LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Sawirro:- Booliska oo Muqdisho kusoo bandhigay Sawirrada Dhalinyaro ay ku Eedeeyeen inay…

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan Booliiska Gobolka Banaadir, ayaa gacanta ku soo dhigay afar ruux oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen abaabul falal rabshado ah oo lid ku ah amniga iyo xasilloonida Caasimadda Muqdisho.

War kasoo baxay Ciidanka Booliiska ayaa lagu sheegay in eedeysaneyaasha la qabtay ay kala yihiin Cabdihakim Muxyadiin Sheekh Cali, Muscab Mire Indhayare, Cabdulxamiid Cabdikariin Xuseen iyo Xamdi Cabdi Caddow, kuwaasi oo lagu tuhunsan yahay inay abaabulayeen falal amni darro abuuri kara.

Booliiska ayaa sheegay in howlgalka lagu soo qabtay eedeysaneyaashan uu qeyb ka yahay dadaallada lagu xaqiijinayo amniga magaalada Muqdisho, xilli maalmihii dambe ay jireen digniino la xiriira falal amniga wax u dhimaya.

Sidoo kale, ciidamada ammaanka ayaa xaqiijiyay in dhammaan dadka la qabtay ay hadda ku socdaan baaritaanno hordhac ah, isla markaana loo gudbin doono hay’adaha garsoorka ee awoodda u leh si loo marsiiyo habraaca sharciga dalka.

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa mar kale uga digay cid kasta oo ku howlan falal lid ku ah nabadda iyo xasilloonida bulshada, iyaga oo sheegay in tallaabo adag laga qaadi doono qof kasta oo lagu helo falal amniga wax u dhimaya.

Dhanka kale, saraakiisha ammaanka ayaa shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka, islamarkaana ay soo gudbiyaan xog kasta oo la xiriirta falal amni darro abuuri kara, si loo adkeeyo nabadda iyo xasilloonida Caasimadda Muqdisho.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *