Sawirro:- Bannaanbaxyo xoogan oo ka dhacay Baydhabo iyo laamaha Amniga oo ka hadlay

Magaalada Baydhabo oo ah xarunta ku-meelgaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta waxaa ka dhacay dibad-baxyo ballaaran oo ay ka qeyb galeen boqolaal kamid ah shacabka magaalada, kuwaas oo si weyn uga soo horjeestay diidmada qaar kamid ah ganacsatada ee qaadashada lacagta Shilinka Soomaaliga.
Bannaanbaxyada oo ka dhacay waddooyinka muhiimka ah ee magaalada ayaa waxaa ka qeyb galay dadweyne aad u tiro badan, kuwaas oo sitay boorar isla markaana ku dhawaaqayay hal-ku-dhigyo ay kamid ahaayeen “Dollar dooni meyno, lacagteena ayaan rabnaa.” Dadka bannaanbaxayay ayaa ku baaqay in si degdeg ah wax looga qabto xaaladda lacagta Shilinka Soomaaliga oo ay sheegeen in isticmaalkeeda la diiday.
Qaar kamid ah shacabka oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in diidmada Shilinka Soomaaliga ay saameyn ku yeelatay nolol maalmeedka dadka, isla markaana ay keentay jahwareer dhaqaale iyo culays ku yimid isticmaalka lacagta waddanka.
Dhanka kale, Taliyaha Booliska Gobolka Baay, Gaashaanle Dhexe Sadiiq Aadan (Doodishe), oo goobta bannaanbaxa ka hadlay, ayaa ku amray ganacsatada Magaalada Baydhabo inay si buuxda u qaataan Shilinka Soomaaliga, isagoo uga digay in cid kasta oo diida laga qaadi doono tallaabo sharci ah.
Taliyuhu wuxuu sheegay in boolisku uu ka go’an yahay ilaalinta nidaamka lacagta dalka iyo kala dambeynta suuqyada, isla markaana aan la aqbali doonin waxyaabo carqalad ku ah isticmaalka lacagta rasmiga ah.
Qaar kamid ah magaalooyinka dalka oo ay ku jirto Muqdisho ayaa dhawaan laga diiday isticmaalka lacagta Shillinka Soomaaliga wallow hadda Ganacsatada ay billaabeen inay isticmaalaan kadib amar kasoo baxay Maamulada kajira dalka iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.










