LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Nabaddoon Caan ka ahaa Gobolka Gedo oo qarax lagu dilay

Wararka naga soo gaarayaa Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Alle ha u naxariistee, Nabaddoon Cabdiraxmaan Madeey (Qoxooti), oo kamid ahaa odayaasha dhaqanka ee degmada Beled-Xaawo, uu u geeriyooday qarax loogu xiray gaarigiisa.

Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in qaraxu uu dhacay xilli uu nabaddoonku ku sugnaa gaarigiisa, iyadoo aan weli si rasmi ah loo shaacin cidda ka dambeysay falkaasi. Qaraxa ayaa sababay dhimashadiisa isla goobta, waxaana sidoo kale jira warar sheegaya dhaawacyo kale oo ka dhashay.

Cabdiraxmaan Madeey ayaa lagu xasuustaa doorkii uu ka qaatay nabadeynta iyo wacyigelinta bulshada, isagoo si joogto ah ugu baaqi jiray shacabka Beled-Xaawo inay ka shaqeeyaan sugidda amniga iyo xasilloonida deegaanka.

Geerida nabaddoonka ayaa si weyn looga dareemay degmada, iyadoo dad badan oo deegaanka ah ay ku tilmaameen inuu ahaa haldoor muhiim u ahaa bulshada, kana shaqeyn jiray isku soo dhowaanshaha dadka iyo ka hortagga falalka amni-darrada.

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay laamaha amniga ee ku aaddan cidda fulisay weerarkan, hase yeeshee dhacdadan ayaa kusoo beegmeysa xilli ay gobolka Gedo ka jiraan diyaar garoow la xiriira doorashooyinka qofka iyo Codka ah oo ay wado dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *