Muqdisho (Banaadir24) — Kolonyo milateri oo ka tirsan ciidamada Uganda ee Midowga Afrika (UPDF), kuwaas oo ay galbinayeen ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa ugu dambeyn gelinkii dambe ee Talaadadii gaaray magaalada Baraawe, oo ah xarunta maamulka KMG ah ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Kolonyadan oo safar ku jirtay muddo ku dhow 10 maalmood ayaa soo martay waddo dhererkeedu ka yar yahay 200 KM, iyadoo intii ay jidka ku jirtay ay la kulantay weerarro isdaba joog ah, qaraxyo miinooyin ah iyo caqabado dhanka saadka iyo amniga ah.
Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarrada lagu qaaday kolonyada, iyadoo war ay baahisay ku sheegtay in dagaalyahannadeedu ay dileen ugu yaraan 11 askari, isla markaana ay burburiyeen ama gubeen gaadiid milateri oo tiro badan.
Saraakiil amni oo xog-ogaal u ah howlgalka ayaa sheegay in kolonyada ay la kulantay in ka badan shan weerar intii ay ku guda jirtay safarka, kuwaas oo qaarkood loo adeegsaday miinooyinka wadada lagu aasay.
Dhinaca kale, dowladda Uganda ayaa la sheegay inay qiratay in ciidamadeeda ay soo gaareen khasaare isugu jira dhimasho iyo burbur gaadiid, hase yeeshee weli si rasmi ah looma shaacin tirada askarta dhimatay ama dhaawacantay iyo baaxadda khasaaraha gaaray kolonyada.
Muddada ku dhow 10-ka maalmood ee ay qaadatay in kolonyadu ay ku gaarto Baraawe, iyadoo masaafadu ka yar tahay 200 KM, ayaa dhalisay walaac cusub oo ku saabsan amniga waddooyinka muhiimka ah ee koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo Al-Shabaab ay weli awood u leedahay inay weerarro ku qaaddo dhaq-dhaqaaqa ciidamada.
Safarkan ayaa sidoo kale dib u soo nooleeyay su’aalaha la xiriira awoodda ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee sugidda waddooyinka istaraatiijiga ah iyo ilaalinta isku socodka gaadiidka milateriga ee deegaannada ay kooxdu ka fuliso weerarrada.
Inkasta oo kolonyadu ay ugu dambeyn gaartay Baraawe, haddana khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarrada iyo tirada gaadiidka la burburiyay ayaan weli si madax-bannaan loo xaqiijin.
Banaadir24 — Wararka Soomaaliya iyo caalamka.
