Sarkaal muhiim u ahaa Al-Shabaab oo isku dhiibay ciidanka Xoogga Dalka

Maxamed Jaylani Dayib, oo magaciisa afgarashada ee Al-Shabaab dhexdeeda looga yaqaanay Deeqow, ayaa isu soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 62-aad ee Guutada 6-aad, Qaybta 60-aad, kuwaas oo saldhiggoodu yahay magaalada Buulo Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Sida uu sheegay, Maxamed Jaylani wuxuu Al-Shabaab ku biiray sanadkii 2015, wuxuuna muddo dheer ka tirsanaa kooxda, isagoo soo qabtay xilal kala duwan.
Wuxuu sheegay inuu noqday wakiilka Al-Shabaab ee deegaanka Jilib Marko ee gobolka Shabeellaha Hoose, xilkaas oo uu hayay ilaa laga qaaday sanadkii 2024.
Isu soo dhiibistiisa ayaa kusoo beegmeysa xilli Dowladda Soomaaliya ay sii xoojisay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo saraakiisha ciidamada ay marar badan ugu baaqeen xubnaha kooxda inay ka faa’iideystaan cafiska dowladda oo ay isu soo dhiibaan ciidamada si ay uga baxaan dagaallada.










