Dowladda Soomaaliya oo Amar Degdeg ah Siisay Ciidamada & Shabaab oo Lasoo Afjarayo

Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa amar ku bixiyay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada deegaanka ee ku sugan dugsiga tababarka Qoriloow ee gobolka Shabeellada Dhexe ay galaan heegan buuxa, si loo dardargeliyo wejiga cusub ee howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Wasiirka ayaa ciidamada ku adkeeyay inay sii xoojiyaan isku-duubnida, feejignaanta iyo dadaallada lagu ciribtirayo kooxda, isagoo ku boorriyay inay dardar geliyaan howlgalada lagu baacsanayo haraadiga Al-Shabaab ee weli ku sugan qeybo ka mid ah dalka.
Sidoo kale, Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wada abaabulkii ugu dambeeyay ee loogu diyaar garoobayo howlgallo ballaaran oo lagu doonayo in lagu soo afjaro jiritaanka Al-Shabaab, iyadoo la xoojinayo isku-dubaridka Ciidanka Xoogga Dalka iyo ciidamada deegaanka si loo xaqiijiyo amniga loogana saaro kooxda goobaha ay weli ku dhuumaaleysanayaan.
Ciidanka xoogga dalka ayaa xoojiyay howlgalada ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab iyagoo muddooyinkan dambe ku qaadayay kooxda weeraro cir iyo dhul ah oo lagu beegsaday saldhigyada iyo goobaha ay wali kaga harsanyihiin qeybo kamid ah dalka.









