LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Saraakiisha Ciidamadii uu ka tegay Laftagareen oo diiday doorasho qof iyo Cod ah hanjabaadna diray

Wararka ka imanaya Gobolka Baay ayaa sheegaya in qaar kamid ah ciidamadii taabacsanaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen, ay dib ugu laabteen deegaanka Awdiinle, kadib markii maalmo ka hor waan-waan iyo dadaallo dib-u-heshiisiin ah looga soo qaaday halkaas. Ciidamadan ayaa la sheegay inay markale Awdiinle ka sameysteen saldhig ay isku abaabulaan, taas oo sare u qaaday walaaca amni ee ka taagan deegaannada ku dhow magaalada Baydhabo.

Dhanka kale, Taliyaha Ciidamada Booliska Gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed, Gaashaanle Sare Isxaaq Meedey, iyo Afhayeenka Ciidanka, Daa’uud Maxamed Jiroon, oo warbaahinta la hadlay, ayaa si kulul uga hadlay xaaladda siyaasadeed iyo qorshaha doorashooyinka. Saraakiishan ayaa si cad u sheegay inaysan suuragal ahayn in Baydhabo ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah xilligan, iyagoo ku goodiyay in ay dagaal kala hortagi doonaan haddii la isku dayo in si qasab ah loo qabto doorashadaas.

Waxay sidoo kale ku eedeeyeen dowladda federaalka inay wado qorshe aan waafaqsaneyn xaaladda dhabta ah ee Koonfur Galbeed, iyagoo tilmaamay in arrimaha masiiriga ah ee maamulka ay leeyihiin shacabka deegaanka, ayna diidan yihiin faragelin ay ku sheegeen mid dibadda ka imanaysa. Saraakiishu waxay si gaar ah u xuseen in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uusan Baydhabo ka dhigi karin meel la mid ah magaalooyin kale oo ay sheegeen inay hore uga dhaceen howlgallo iyo isbedello siyaasadeed oo muran dhaliyay.

Intaa waxaa dheer, waxay si adag uga digeen dhaqdhaqaaqyada diyaaradaha, iyagoo sheegay in aanay jirin diyaarad si caadi ah uga soo degi karta Baydhabo, isla markaana ay beegsan doonaan diyaarad kasta oo isku dayda inay soo caga dhigato garoonka magaalada, haddii aan lala socodsiin ama aanay oggolaansho ka haysan dhinacyada ay matalaan.

Xiisaddan sii kordheysa ayaa imaneysa xilli ay weli taagan yihiin khilaafaad siyaasadeed oo u dhexeeya madaxda federaalka iyo qaar kamid ah maamul goboleedyada, iyadoo dadaallo lagu doonayo in lagu dejiyo xaaladda ay weli socdaan. Dadka deegaanka iyo falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa ka digaya in hadallada kicinaya colaadda ay horseedi karaan isku dhacyo hor leh, haddii aan si degdeg ah loo faragelin.

Si kastaba, weli lama hayo wax war ah oo rasmi ah oo kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya oo ku aaddan eedeymaha iyo hanjabaadaha kasoo yeeray saraakiisha Koonfur Galbeed, iyadoo la filayo in saacadaha ama maalmaha soo socda ay soo baxaan falcelino dheeraad ah oo ku saabsan arrintan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *