LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

DFS oo shaacisay Hal Arrin ay isku khilaafeen Madaxda Somaliland

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa sheegay in mas’uuliyiinta maamulka Waqooyi Galbeed aysan isku raacsaneyn xiriirka iyo aqoonsiga ay la yeesheen Israel.

 

Wareysi gaar ah oo uu siiyay Al Jazeera, ayuu wasiirku ku caddeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaadi doonto tallaabo kasta oo lagu difaacayo midnimada iyo wadajirka dalka.

Wasiirka ayaa tilmaamay in khilaaf gudaha ah uu ka jiro maamulka Waqooyi Galbeed, isagoo xusay in xitaa mas’uuliyiinta maamulkaasi aysan isku mowqif ka ahayn aqoonsiga Israa’iil iyo safiirka ay u soo magacawday deegaannadaasi.

“Aqoonsiga Israa’iil ee Waqooyi Galbeed xitaa iskuma waafaqsana mas’uuliyiinta maamulkaasi, shacabkana maba rabaan in Israa’iil ay soo farageliso,” ayuu yiri Wasiir Daa’uud Aweys.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli xiisad diblomaasiyadeed ay ka dhalatay tallaabada ay Israa’iil ku aqoonsatay Waqooyi Galbeed, isla markaana ay u magacawday safiir, arrin ay si adag uga hortimid Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo beesha caalamka

Dowladda Soomaaliya ayaa hore u sheegtay in tallaabooyinka Israa’iil ay yihiin kuwo si toos ah u jebinaya madax-bannaanida, midnimada iyo dhuleednimada dalka

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *