LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo Go’aan ka dhan ah Qoor Qoor qaatay

Sida ay tilmaamayaan xogaha soo baxaya ee aan helnay, Madaxweyne Kuxigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Cali Ciid ayaa la filayaa inuu caawa soo saaro warqad rasmi ah oo uu ugu baaqayo Dowladda Federaalka Soomaaliya inay si degdeg ah u soo farageliso xaaladda siyaasadeed iyo amni ee ka taagan Galmudug.

Warqadda la filayo in la shaaciyo ayaa, sida ilo xog-ogaal ah sheegayaan, si faahfaahsan uga hadleysa xaaladda cakiran ee ka jirta maamulka, iyadoo lagu xusayo khilaaf siyaasadeed oo sii xoogeysanaya, xaalado amni oo laga muujinayo walaac, iyo cabsi la xiriirta suurtagalnimada boob ama ku takrifal hanti dadweyne.

Ilo ku dhow xafiiska Madaxweyne Kuxigeenka ayaa sheegay in qoraalka uu Cali Ciid ku muujin doono in xaaladda hadda jirta ay u baahan tahay in Dowladda Federaalka ay si dhow ula socoto isla markaana ay qaaddo tallaabooyin lagu xasilinayo maamulka iyo amniga Galmudug.

Waxaa sidoo kale la sheegay in warqaddu ay si gaar ah u cuskan doonto qodobka 130-aad ee Dastuurka Ku-meelgaarka ah ee Soomaaliya, kaas oo awood u siinaya Dowladda Federaalka inay faragelin sameyso marka ay jiraan duruufo khatar gelin kara amniga guud, kala dambeynta dowladeed, ama midnimada qaranka.

Warqadda la filayo in la gudbiyo ayaa imaanaysa xilli ay maalmahanba isa soo tarayeen hadal-heyn siyaasadeed iyo warar ku saabsan xiisado gudaha maamulka Galmudug, kuwaas oo la xiriira maamulka, amniga, iyo habsami u socodka hay’adaha dowladeed iyo doorashooyonka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *