Saraakiil ka socota dowladda oo ku wajahan Dhuusamareeb & xiisad ka taagan

Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug ayaa sheegaya in xaalad amni oo aad u kacsan ay ka jirto magaalada, xilli maanta la filayo inay gaaraan wafdi sare oo ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminaya Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif), waxaana safarka ku wehlinaya Taliyaha cusub ee qeybta Booliiska Galmudug Kornel Maxamed Daahir.
Ilo amni ayaa xaqiijiyay in ciidamada Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ay saaka si weyn ula wareegeen amniga garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb iyo waddooyinka muhiimka ah ee gala magaalada, si loo xaqiijiyo ammaanka wafdiga saraakiisha ah ee maanta tegaya halkaasi.
Sidoo kale, dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo aan caadi ahayn ayaa laga dareemayaa gudaha magaalada, iyadoo wararku sheegayaan in Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) uu dhankiisa amar ku bixiyay in si adag loo adkeeyo amniga Madaxtooyada Galmudug iyo xaafadaha ku dhow dhow xarunta maamulka.
Goobjoogayaal ku sugan Dhuusamareeb ayaa sheegay in ciidamo fara badan lagu arkayo jidadka waaweyn ee magaalada, halka qaar kamid ah shacabka ay walaac ka muujiyeen xiisadda cirka isku shareertay iyo dhaq-dhaqaaqyada amni ee socda.
Xiisaddan ayaa kusoo aadeysa xilli si weyn looga diyaar garoobayo doorashooyinka qof iyo cod ee la qorsheynayo in laga qabto deegaannada Galmudug, kuwaasi oo horey u dhaliyay muran siyaasadeed iyo is qabqabsi u dhexeeya dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah madaxda dowlad-goboleedyada.









