LATEST NEWSLOCAL NEWS

Ammarkii Madaxweyne Xasna Sheekh oo la jebiyay iyo Ciidamada Amniga oo howlgallo culus ka wada…

Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in laamaha ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ay weli sii wadaan burburinta guryo iyo dhulal ay deggen yihiin shacabka ku nool magaalada Muqdisho, inkastoo uu dhowaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud amar ku bixiyay in si deg deg ah loo joojiyo burburinta dhulalka dowladda ee ay shacabka daggan yihiin.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in cagafyo ay wataan ciidamada ammaanka dowladda ay shalay, xalay illaa saakay burburin ka wadeen xaafado kamid ah degmada Heliwaa, halkaas oo la sheegay in guryo badan iyo goobo ay ku noolaayeen dad shacab ah la dhulka la simay.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay wehlinayeen gaadiidka cagafyada ah, islamarkaana dadka deegaanka lagu amray inay si deg deg ah uga baxaan goobaha la burburinayay, iyadoo qaar kamid ah shacabka ay sheegeen inaan la siin wax digniin ah ama waqti ku filan oo ay uga baxaan guryahooda.

Sidoo kale, saakay waxaa la sheegay in howlgal burburin ah uu ka socdo xaafadda Buulo Gaaljecel ee degmada Xamar Jajab, halkaas oo ciidamada ammaanka iyo cagafyo ay ka wadaan duminta dhismayaal la sheegay inay ku yaallaan dhul ay dowladdu leedahay.

Arrimahan ayaa kusoo aadaya xilli habeen hore Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Mahdi Cumar Muumin uu warbaahinta u sheegay in la fuliyay amarkii Madaxweynaha, isla markaana ay been abuur tahay wararka sheegaya in wali ay socdaan burburinta guryaha shacabka.

“Waxaan fulinay amarkii Madaxweynaha, mana jiraan burburin weli socota,” ayuu yiri taliyaha oo xalay la hadlay warbaahinta dowladda.

Hase yeeshee, wararka iyo muuqaalada laga helayo qaar kamid ah degmooyinka Muqdisho ayaa u muuqda kuwo ka hor imaanaya hadalka saraakiisha ammaanka, iyadoo shacabka ay cabasho xooggan ka muujinayaan burburinta lagu hayo guryahooda.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *