Laamaha Ammaanka oo xiray Dhalinyarado ka qeyb-geli laheyd bannaanbaxa mucaaradka

Laamaha ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay magaalada Muqdisho ka sameeyay howlgallo lagu xiray qaar kamid ah dhalinyarada caasimadda, kuwaas oo lagu eedeeyay inay abaabul u wadeen bannaanbaxyo ay mucaaradku iclaamiyeen inay maalinta berri ah ka dhacaan magaalada Muqdisho.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in dhalinyarada la xiray qaarkood laga qabtay degmooyin kala duwan oo kamid ah gobolka Banaadir, halka kuwo kale lagu soo xiray xilli ay ku sugnaayeen goobaha ay ku kulmaan dhalinyarada taageerta mucaaradka. Ilo wareedyo ku dhow qoysaska dhalinyarada la xiray ayaa sheegay in qaar kamid ah dadka la qabtay aan weli la ogeyn goobaha lagu hayo.
Dhalinyaradan ayaa la sheegay inay bilihii la soo dhaafay si weyn uga soo horjeedeen siyaasadda Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, xilli mucaaradku ay sii kordhinayaan cadaadiska la xiriira arrimaha doorashooyinka iyo xaaladda siyaasadeed ee dalka.
Xarigyada cusub ayaa kusoo aadaya iyadoo maalmihii la soo dhaafay ciidamada ammaanku ay kordhiyeen howlgallada lagu beegsanayo dhalinyarada firfircoon ee baraha bulshada ku taageera bannaanbaxyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah. Sidoo kale waxaa jiray cabashooyin ka imaanayay ururrada bulshada rayidka iyo saxafiyiinta oo sheegayay in ay sii kordhayaan xarigyada iyo caga jugleynta ka dhanka ah wariyeyaasha ka howlgala gobolka Banaadir.
Mucaaradka dowladda ayaa horay ugu baaqay shacabka Muqdisho inay kasoo qeyb galaan bannaanbaxyo lagu dalbanayo isbeddel siyaasadeed iyo in la qabto doorasho loo dhan yahay loogana soo horjeedo burburinta lagu sameeyay Guryaha ay deganaayeen dadka Shacabka ah. Dowladda Federaalka ayaa dhankeeda muujisay walaac amni oo ku aaddan isku soo baxyadaas, iyadoo laamaha ammaanka lagu amray inay ka hortagaan falal kasta oo qalalaase abuuri kara.









