Burburin ka socota Xaafad ka tirsan Muqdisho iyo Dadkii ugu badnaa oo ka barakacay

Ciidamo aad u tiro badan oo ka tirsan dowladda ayaa maanta si buuxda loogu daadiyey xaafadda Jiiro Garoob ee degmada Yaaqshiid, halkaas oo si rasmi ah uga bilaabatay burburin ballaaran oo lagu tilmaamay tii ugu weyneyd ee muddooyinkii u dambeeyay ka dhacda caasimadda.
Goobta ay howlgalka ka socoto ayaa si adag loo adkeeyay, iyadoo ay hareereeyeen ciidamo hubeysan oo sugaya amniga, halka cagafyo ay wadaan duminta guryo, goobo ganacsi iyo dhulal la sheegay inay muran sharci ka taagan yahay.
Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in burburinta ay saameyn weyn ku yeelatay dadkii deganaa halkaasi, kuwaas oo qaarkood si degdeg ah uga barakacay guryahooda. Qoysas badan ayaa lagu soo waramayaa inay hoy la’aan noqdeen, kadib markii aan la siin waqti ku filan oo ay uga guuraan hantidooda.
Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in xaaladdu tahay mid adag, islamarkaana ay la kulmayaan cabsi iyo jahwareer, maadaama aan si cad loo ogeysiin qorshaha burburinta iyo halka loo wareejin doono.
Si kastaba ha ahaatee, weli ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir ama dowladda dhexe, hayeeshee dhowrkii sano ee la soo dhaafay ayaa Muqdisho waxaa ka socda burburinta dadka degan Guryaah dowladda, kuwaas oo laga iibsanayo dad Ganacsato ah iyo siyaasiyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.









