Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan dalka Tanzania: Ujeedka safarkiisa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u safraya magaalada Caruusha ee dalka Tansaaniya, halkaas oo uu kaga qeyb galayo shirka madaxda Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC).
Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa qorshaha ay dalalka xubnaha ka ah ururkan uga shaqeynayaan sidii ay u mideyn lahaayeen suuqyada ganacsiga iyo isu-socodka dadka, si loo abuuro suuq mideysan oo dhaqaale ahaan isku xiran.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa in uu shirka ka jeediyo khudbad ku saabsan doorka Soomaaliya ee ururka iyo sida ay uga faa’iideysan karto iskaashiga dhaqaale iyo ganacsi ee dalalka Bariga Afrika. Sidoo kale, inta uu halkaasi joogo waxaa la qorsheeyay inuu kulamo gaar gaar ah la yeesho qaar ka mid ah madaxda ka qeyb galeysa shirka.
Soomaaliya oo dhowaan ku biirtay ururka EAC ayaa weli wajahaysa caqabado la xiriira isku-socodka muwaadiniinteeda, iyadoo dalalka xubnaha ka ah qaarkood ay weli dal-ku-gal ka dalbanayaan dadka Soomaaliyeed.
Dowladda Soomaaliya ayaa rajo ka muujisay in wada-hadallada iyo kulamada noocan oo kale ah ay gacan ka geysan doonaan fududeynta isu-socodka dadka iyo kobcinta dhaqaalaha, si dalka uu uga faa’iideysto fursadaha ganacsi ee ka jira suuqyada Bariga Afrika.









