LATEST NEWSLOCAL NEWS

Ciidamada ammaanka oo ishortaag Muqdisho kula sameeyay Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka

Xiisad siyaasadeed oo sii kordheysa ayaa ka dhex muuqaneysa caasimadda Muqdisho, kaddib markii ciidamada ammaanka dowladda ay bar koontarool oo ku taalla magaalada ku hakiyeen Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka, Jeneraal Odowaa, xilli uu ku sii jeeday garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Wararka laga helayo saraakiil iyo goobjoogayaal ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay isku dayeen inay ka hor istaagaan Jeneraalka inuu u gudbo garoonka, isagoo watay ilaalo kooban. Ciidamada ayaa la sheegay inay diidmo ka muujiyeen hub culus oo la socday kolonyadiisa, oo ay ku jireen qoryaha nooca BKM.

Xaaladda ayaa cirka isku shareertay markii Jeneraal Odowaa uu ka degay gaarigiisa si uu si toos ah ula hadlo saraakiisha ku sugneyd barta koontarool, taasoo dhalisay muran iyo is-faham la’aan kooban. Ilo amni ayaa tilmaamay in ciidamada ay fulinayeen amarro sare, inkastoo ugu dambeyn loo oggolaaday inuu sii gudbo kaddib wadahadal.

Dhacdadan ayaa imaneysa xilli Dowladda Federaalka ay kordhisay tirada baraha koontarool iyo ciidanka ku sugan hareeraha garoonka Muqdisho, tallaabo lagu sheegay mid la xiriirta xoojinta ammaanka, balse sidoo kale dhalisay su’aalo la xiriira ujeedada dhabta ah ee ka dambeysa.

Falanqeeyayaal ayaa u arka dhacdadan mid muujineysa heerka ay gaartay xiisadda siyaasadeed, gaar ahaan marka ay saameyneyso saraakiil sare oo horey uga tirsanaa dowladda.

Ilaa hadda, wax war rasmi ah kama soo bixin Dowladda Federaalka oo ku aaddan sababta rasmiga ah ee loo joojiyay Jeneraal Odowaa.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *