LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Ciidamadii hore ee Taliye Shub oo Gadooday waddo muhiim ahna xirtay

Ciidamo ka tirsan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, kuwaas oo hore uga tirsanaa ciidamadii uu hoggaamin jiray taliyihii hore Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Taliye Shub), ayaa maanta xiray waddooyinka muhiimka ah ee ku dhow Xabsiga Dhexe ee magaalada Muqdisho, iyagoo ka cabanaya mushaar la’aan muddo dheer soo jirtay.

Ciidamadan oo hubeysan ayaa xiray waddooyinka laga soo galo aagga dekedda ilaa Kawaanka degmada Xamarweyne, waxayna si buuxda u joojiyeen isu socodka gaadiidka iyo dadka, xitaa kuwa lugta ah.

Mid kamid ah askarta gadoodsan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay yihiin ciidamo qaran, balse aysan wax mushaar ah qaadan muddo ka badan hal sano iyo bar.

Wuxuu xusay in xaaladdooda nololeed ay aad u liidato, isla markaana aysan sii wadi karin shaqada iyagoo aan wax xuquuq ah helin.

Ciidamadan ayaa ugu baaqay madaxda dowladda Soomaaliya inay si degdeg ah uga jawaabaan cabashadooda, iyagoo u qabtay muddo 12 saacadood gudahood ah in xal looga gaaro mushaharka ay sheeganayaan.

Ciidanka maanta gadooday ayaa ka mid ah kuwa ilaaliya Xabsiga Dhexe ee Muqdisho, halkaas oo ay ku xiran yihiin maxaabiis kala duwan oo ay ku jiraan xubno ka tirsan Al-Shabaab, askar ka tirsan dowladda oo dambiyo galay, iyo sidoo kale dad rayid ah.

Xaaladdan ayaa walaac ka dhalisay amniga aagga, maadaama ciidamadii sugayay xarunta xabsiga ay shaqo joojin sameeyeen, taas oo saameyn ku yeelan karta amniga guud ee xarunta iyo magaalada inteeda kale.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *