LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Mucaaradka & Shacabka Muqdisho oo wada abaabulka bannaanbaxyo ka dhanaAh Dowladda

Waxaa magaalada Muqdisho ka bilowday abaabul xooggan oo la xiriira bannaanbaxyo la sheegay in lagu wajahayo dowladda federaalka, kuwaas oo ay wadaan siyaasiyiin mucaarad ah iyo xubno ka tirsan Golaha Mustaqbalka.

Waxaa hadda kulan ballaaran uu ka socdo guriga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kaas oo ay isugu yimaadeen siyaasiyiin mucaarad ah iyo guddiyo loo xil saaray qorsheynta bannaanbaxyada. Kulankan ayaa diiradda lagu saaraya sidii loo mideyn lahaa dadaallada mucaaradka iyo abaabulka shacabka si ay uga qeyb qaataan dibadbaxyada la qorsheynayo.

Sidoo kale, kulanka waxaa ka qeyb galaya qaar kamid ah dad shacab ah oo la sheegay in dhawaan laga barakiciyay guryihii ay ka deganaayeen magaalada Muqdisho, kuwaas oo cabashooyin ka muujinaya tallaabooyin ay sheegeen inay qaaday dowladda. Ka qeybgalka dadkaas ayaa la tilmaamay inuu qeyb ka yahay dadaal lagu muujinayo dareenka shacabka ee ku aaddan xaaladda siyaasadeed iyo midda bulsho ee dalka.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa la sheegay inay qorsheynayaan in bannaanbaxyada ay si rasmi ah u bilaabaan wixii ka dambeeya 15-ka May, xilligaas oo ku beegan dhammaadka muddo xileedka hoggaanka dowladda hadda jirta. Ujeeddada bannaanbaxyadan ayaa lagu sheegay mid lagu cadaadinayo dowladda, iyadoo mucaaradku ay ku doodayaan in loo baahan yahay isbeddel siyaasadeed.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *