Cabdiraxmaan Cabdishakuur” Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ku socdaa waddo hore loogu fashilmay”

Siyaasiga mucaaradka ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si adag uga hadlay habka ay dowladda Federaalka Soomaaliya u maareyneyso hoggaanka iyo dallacsiinta ciidamada, isagoo ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu ku socdo waddo hore loogu fashilmay.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in aysan Soomaaliya ku cusbeyn in madaxweyne uu isku aamino ciidamada, kana dhex xusho qaraabadiisa iyo shaqsiyaad si gaar ah daacad ugu ah xukunkiisa, balse uu xusay in taariikhdu caddeyneyso in nidaamkaas uu horseedo burbur dowladeed iyo kala daadasho ciidan.
“Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu qaadayaa waddadii lagu fashilmay,” ayuu yiri siyaasigu, isagoo tilmaamay in halkii lagu qiimeyn lahaa saraakiisha ciidanka aqoon, waaya’aragnimo, geesinnimo iyo hawlkarnimo, ay jirto dallacsiin degdeg ah oo lagu siinayo saraakiil hoose iyo shaqsiyaad aan lahayn taariikh ciidan.
Wuxuu intaas ku daray in tallaabooyinkaasi ay yihiin eex, wejigarad iyo gaboodfal si weyn u dhaawacaya nidaamka ciidanka, islamarkaana keenaya in kalsoonidii, kala dambeyntii iyo isku duubnidii ciidanku ay meesha ka baxaan.
Sidoo kale, Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in ciidanku ay naftooda u huraan marka ay aaminsan yihiin cadaalad iyo in karti iyo waxqabad lagu helo dallacsiinta, balse haddii lagu saleeyo qaraabokiil iyo eex, ay adkaan doonto in ay noqdaan ciidan qaran oo difaaca dalka.
“Ciidan lagu dhisay eex iyo kala sooc ma noqon karo mid qaran difaaca ama laf dhabarta u noqda dowladnimo waarta,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.









