Ra’iisul Wasaare Xamsa oo soo rogay amar cusub oo ku saabsan shaqaalaysiinta dowladda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa soo saaray baaq ku saabsan hannaanka shaqaalaysiinta iyo magacaabista xilalka dowladda, isagoo faray masuuliyiinta dowladda inay ku dhaqmaan kartida iyo mudnaanta.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku adkeeyay dhammaan wasiirrada iyo masuuliyiinta kale ee dowladda in si buuxda oo aan dib-u-dhac lahayn loo hirgeliyo nidaamka shaqaalaysiinta iyo magacaabista ku salaysan aqoonta, kartida iyo mudnaanta.
Xamsa ayaa sheegay in hannaankan uu salka ku hayo Dastuurka Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Qodobka 161aad, farqaddiisa 1aad, iyo Sharciga Shaqaalaha Rayidka ah, Qodobka 7aad, iyo xeerarka kale ee la xiriira shaqaalaha rayidka ah.
Baaqan ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda federaalku ay xoogga saarayso nidaaminta habraacyada shaqaalaysiinta iyo magacaabista masuuliyiinta iyo shaqaalaha rayidka ah.









