Xasan Sheekh oo Laftagareen ka helay farriin lama filaan ah & Koonfur Galbeed oo…

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee fadhigiisu yahay bannaanka Baydhabo, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa hadal adag ka jeediyay khilaafka siyaasadeed ee kala dhexeeya dowladda federaalka, isagoo sheegay in isaga iyo taageerayaashiisu ay u istaagi doonaan waxa uu ku tilmaamay ilaalinta Soomaaliya iyo ka hortagga siyaasadaha Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Laftagareen ayaa hadalkan jeediyay kaddib markii munaasabad lagu guddoonsiiyay buug ay qortay Saadiyo Bajaj, kaas oo cinwaankiisu yahay “Gaalshiraha Xasan”. Bajaj ayaa sheegtay in buugga ay ku qortay waaya-aragnimadeedii xabsiga iyo duruufihii ka dhashay xariggeedii dowladda federaalka.
Khudbaddiisa, Laftagareen wuxuu dowladda federaalka ku eedeeyay inay cadaadis ku hayso shacabka Koonfur Galbeed, isagoo sheegay in dhaqdhaqaaqiisa siyaasadeed uu ka hortagi doono waxa uu ku tilmaamay faragelinta Muqdisho ee arrimaha maamulka.
“Waxaan ilaalinaynaa Soomaaliya, qorshayaasha madaxweynahana waan fashilinaynaa,” ayuu yiri Laftagareen.
Wuxuu sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay ka xoroobi doonto hoggaanka Xasan Sheekh, halka Koonfur Galbeedna ay ka xoroobi doonto awoodda dowladda federaalka.
Hadalka Laftagareen ayaa sii xoojinaya khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya kooxdiisa iyo dowladda federaalka, xilli ay weli taagan yihiin muranno ku saabsan maamulka Koonfur Galbeed iyo xiriirka Muqdisho iyo Baydhabo.









