LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Laftagareen oo ciidamo cusub helay xilli xiisaddu ka taagan tahay Baydhabo

Warar ka imanaya ilo dhinaca amniga ah ayaa sheegaya in taliye sare oo ka tirsanaa ciidamada Booliska Gaarka ah ee Koonfur Galbeed, ee loo yaqaan Birmadka isaga iyo ciidamo uu hoggaaminayay oo ka baxay degmada Buurhakaba, ay ku biireen ciidamada daacadda u ah Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Ilo amni oo maxalli ah ayaa sheegay in Taliye Aadan Ibraahim Aadan, oo loo yaqaan “Bakey”, uu Buurhakaba kala soo baxay ciidamo uu watay, waxaana la sheegay in hadda lagu arkayo duleedka magaalada Baydhabo, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamo la safan Laftagareen.

Bakey ayaa horey u soo noqday taliyaha ciidamada Darawiishta Koonfur Galbeed ee Buurhakaba, ka hor inta aan ciidamadaasi dib loogu habeeyn magaca Birmadka, sida ay sheegeen ilaha amniga.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamo taageersan Laftagareen ay ka dhaqaaqeen deegaano ka baxsan Baydhabo, si ay u galbiyaan taliyaha iyo ciidamadii uu watay kadib markii ay ka soo baxeen Buurhakaba.

Tallaabadan la sheegay ayaa kusoo beegmaysa xilli Baay iyo Bakool, gaar ahaan magaalada Baydhabo, ay ka jiraan xiisado siyaasadeed iyo amni oo sii xoogeysanaya, iyadoo dhinacyo kala duwan ay isku hayaan gacan ku haynta ciidamada iyo saameynta siyaasadeed ee Koonfur Galbeed.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *