LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Ra’iisul Wasaare hore Rooble oo Badbaado Qaran ugu hanjabay Madaxweyne Xasan Sheekh

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in muddo xileedka dowladda Soomaaliya uu haatan yahay mid geba-gabo ah, isla markaana dalka uu galay marxalad uu ku tilmaamay “xaalad mugdi ah”.

Rooble oo maanta ka hadlay shir ay isugu yimaadeen siyaasiyiinta mucaaradka iyo odayaasha dhaqanka Hawiye, ayaa carrabka ku adkeeyay in xaaladda dalka ay u baahan tahay “badbaado qaran” oo ay si wadajir ah uga qeyb qaataan dhammaan ummadda Soomaaliyeed.

Wuxuu sheegay in isaga iyo xubno kale oo siyaasiyiin ah ay dhowr jeer la kulmeen Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud, balse sida uu hadalka u dhigay uusan dheg jalaq u siin talooyinkooda. Rooble ayaa ka digay in haddii aan si degdeg ah wax looga qaban xaaladda jirta, dalka uu qarka u saaran yahay burbur hor leh.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha inuu faragelin ku hayo maamullada qaar ee dalka, isagoo si gaar ah u xusay Galmudug, Hir-Shabeelle iyo Jubbaland. Wuxuu intaas ku daray in uu jiro, sida uu sheegay, qorshe la mid ah midkii ka dhacay Koonfur Galbeed.

Ugu dambeyn, Rooble ayaa ugu baaqay madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed inay ka shaqeeyaan midnimada iyo xasilloonida dalka, isagoo ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in laga hortago xiisadaha siyaasadeed ee sii kordhaya.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *