Maxaa kasoo baxay Shirkii Siyaasiyiinta Mucaaradka iyo Odayaasha Dhaqanka Hawiye?

Waxaa maanta magaalada Muqdisho, gaar ahaan hoyga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, ka furmay kulan xasaasi ah oo ay yeesheen inta badan siyaasiyiinta mucaaradka ee kasoo jeeda beelaha Hawiye iyo Odayaasha Dhaqanka.
Kulankan oo ah mid si weyn loo hadal hayo ayaa markii ugu horreysay waxaa kasoo muuqday xubno ka tirsan xisbiga uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kuwaas oo uu horkacayay Cabdiraxmaan Dheere, oo hore u soo noqday Wasiiru Dowle ka tirsanaa xukuumaddii Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.
Shirka maanta ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan khilaafka ka taagan arrimaha doorashooyinka iyo eedeymaha la xiriira damaca muddo kororsi ee loo jeedinayo Villa Soomaaliya.
Suldaan Daahir Axmed Gaabow oo kamid ah Odayaasha Dhaqanka ee kulanka ka qeyb galay ayaa sheegay in xaaladda siyaasadeed ee dalka ay tahay mid kala qeybsan, balse ay wadaan dadaallo ay ku dhex-dhexaadinayaan dowladda iyo mucaaradka si xal waara loo gaaro.
Wararka laga helayo kulanka ayaa sheegaya in shirka uu sii socon doono maalmaha soo socda, iyadoo la filayo in geba-gabadiisa laga soo saaro warsaxaafadeed rasmi ah oo lagu caddeynayo qodobada ay isku afgarteen.









