DUNIDALATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Kenya oo burburisay Guryo ay deganaayeen Shacab Soomaali ah

Dowlada Kenya ayaa maanta fulisay howl burburin ah oo lagu dumiyay guryo ay lahaayeen dad Soomaali ah oo ku yaallay deegaanka Janna Villa ee xaafadda Islii, magaalada Nairobi.

Guryahan la dumiyay ayaa lagu eedeeyay in si sharci darro ah looga dhisay meel u dhow Webiga Nairobi, halkaas oo aan loo ogoleyn in laga sameeyo dhismayaal sababo la xiriira badbaadada iyo ilaalinta deegaanka.

Dowladda ayaa hore u soo saartay digniino la xiriira ka fogaanshaha dhismaha agagaarka webiyada, balse qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa weli ku adkeystay inay deganaadaan goobahaas.

Intii ay socotay howlgalka burburinta, waxaa meesha ka dhacay fowdo ay ka faa’iideysteen kooxo tuugo ah. Dadkan ayaa bililiqeystay guryihii la dumiyay, iyagoo la baxsaday daaqadaha, albaabada iyo agab kale oo qiimo lahaa oo yaallay gudaha guryaha.

Sidoo kale, wararka ka imanaya goobta ayaa sheegaya in tuugadaasi ay weeraro iyo dhac u geysteen dad rayid ah oo marayay waddada Yusuf Haji, taas oo sare u qaaday cabsi amni darro oo soo wajahday dadka deegaanka.

Maamulka deegaanka ayaan weli si rasmi ah uga hadlin dhacdooyinka la xiriira tuugada iyo amni darrada ka dhalatay howlgalka burburinta. Dhanka kale, dadka guryahooda la dumiyay ayaa wajahaya xaalad adag, iyagoo aan haysan hoy kale oo ay u guuraan.

Dhacdadan ayaa mar kale iftiimisay caqabadaha ka jira qorsheynta magaalooyinka, sharciyeynta dhismayaasha iyo ilaalinta amniga shacabka ee magaalada Nairobi.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *