LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Ciidamada Dowladda oo Dad bannaan baxayaal ahaa ku dilay Magaalada Muqdisho

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta rasaas ku furay dad shacab ah oo bannaanbax ka dhigayay xaafado kamid ah degmada Deeyniile ee gobolka Banaadir, waxaana halkaasi ka dhashay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray qaar kamid ah bannaanbaxayaasha.

Sida ay sheegayaan dad goobjoogayaal ah, ciidamada ayaa rasaas toos ah ku furay shacabka dibadbaxa dhigayay, kadib markii bannaanbaxu uu ka dhacay qeybo kamid ah degmadaasi, iyadoo dadka isugu soo baxay ay ku dhawaaqayeen ereyo ka dhan ah dowladda Federaalka.

Wararka hordhaca ah ee laga helayo goobta ayaa sheegaya in ugu yaraan laba ruux ay ku dhinteen rasaasta ay ciidamada fureen, halka tiro kale oo dhaawac ah sidoo kale la sheegay inay jiraan. Goobjoogayaal ku sugan deegaanka ayaa sheegay in meydadka labada ruux ee dhintay ay weli yaallaan goobta rasaastu ka dhacday, iyadoo xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

Xaafado dhowr ah oo kamid ah degmada Deeyniile ayaa laga dareemayaa xiisad xooggan, waxaana weli socda bannaanbaxyo ay dhigayaan shacabka deegaanka, kuwaasi oo ka careysan falka ay ciidamada dowladda ku rasaaseeyeen dibadbaxayaasha.

Dadka bannaanbaxaya ayaa ku dhawaaqayay ereyo ay kamid yihiin “Xasan Tuug dooni meyno”, iyaga oo muujinayay caro xooggan oo ku aaddan dowladda Federaalka oo Guryihii ay deganaayeen ka burburisay.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *