LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Ra’iisul Wasaare hore Kheyre oo War kulul ku dhawaaqay, xilli bannaanbaxyo ka socda Muqdisho

Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya, ahna musharax madaxweyne Xasan Cali Kheyre ayaa si adag uga hadlay shacabka lagu dilay degmada Deyniile, kadib markii ciidamada dowladda ay rasaas u adeegsadeen bannaanbaxayaal shacab ah oo dhigayay dibadbax nabadeed.

Shir Jaraa’id uu qabtay Xasan Cali Kheyre ayuu ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay adeegsatay awood ciidan iyo caburin ka dhan ah shacabka iyo madaxda mucaaradka ah ee ka qeyb qaadanayay bannaanbaxyada ka socda magaalada Muqdisho.

Kheyre ayaa tilmaamay in falka lagu dilay dadka rayidka ah uu yahay mid aad looga xumaado, islamarkaana aan la aqbali karin in rasaas nool loo adeegsado shacab cabashadooda si nabad ah u muujinaya.

“Dadka rayidka ah ee xabadaha lagu furay waxay mudan yihiin cadaalad iyo in lala xisaabtamo cid kasta oo ka dambeysay falalkaas,” ayuu yiri Kheyre.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in loo baahan yahay in dib looga tashado sida looga hortagi karo waxa uu ugu yeeray “gummaadka iyo caburinta” ay dowladda Federaalka ku heyso shacabka ku nool degmada Deyniile iyo guud ahaan dadka bannaanbaxyada dhigaya.

Ra’iisulwasaarihii hore ayaa dowladda ugu baaqay inay joojiso adeegsiga xoogga iyo handadaadda siyaasadeed, isagoo xusay in shacabka Soomaaliyeed ay xaq u leeyihiin inay fikirkooda dhiibtaan iyaga oo aan la caburin.

Hadalkan kasoo baxay Xasan Cali Kheyre ayaa kusoo aadaya iyadoo maanta degmada Deyniile ay ka dhaceen bannaanbaxyo looga soo horjeedo tallaabooyinka dowladda Federaalka, kuwaas oo sababay iska hor imaadyo iyo rasaas sababtay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *