LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Sawirro:- Banaanbax xoogan oo ka socda Afaafka hore ee Guriga Sheekh Shariif & mas’uuliyiin ku biiray

Bannaanbax ay dhigayaan dad u badan hooyooyin da’ah ayaa maanta ka socda afaafka hore ee guriga uu magaalada Muqdisho ka degan yahay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, gaar ahaan deegaanka Mirinaayo ee degmada Cabdicasiis.

Dadka bannaanbaxaya ayaa la sheegay in ay yihiin qaar kamid ah shacabka laga burburiyay guryahooda, kuwaasi oo ka cabanaya barakicin iyo burburin ay sheegeen in lagu sameeyay deegaannadii ay deganaayeen. Bannaanbaxayaasha ayaa ku dhawaaqayay erayo ay kamid yihiin “Xasan Sheekh doonimeyno” iyo “Barakiciyo doonimeyno,” iyaga oo muujinayay sida ay uga soo horjeedaan tallaabooyinka la xiriira burburinta guryaha iyo barakicinta dadka rayidka ah.

Goobta bannaanbaxa ayaa waxaa gaaray xubno siyaasiyiin iyo waxgarad isugu jira, kuwaasi oo taageero u muujiyay shacabka cabanaya. Xildhibaan Yuusuf Gama’diid iyo Nabaddoon Daahir Axmed ayaa kamid ahaa masuuliyiinta ku biiray bannaanbaxa, iyaga oo shacabka kula hadlay goobta.

Xildhibaan Yuusuf Gama’diid ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay xaq u leeyihiin in la ilaaliyo hantidooda iyo hoygooda, isaga oo ku baaqay in dowladda ay joojiso tallaabooyinka sababay cabashada shacabka. Waxa uu sidoo kale tilmaamay in bannaanbaxa uu sii socon doono ilaa dadka la barakiciyay ay helayaan xuquuqdooda iyo cadaalad ay ku qancaan.

Nabaddoon Daahir Axmed ayaa dhankiisa sheegay in dadka maanta mudaharaadaya ay yihiin dad danyar ah oo aan haysan meel kale oo ay aadaan, isaga oo ugu baaqay dowladda in xal deg deg ah laga gaaro cabashooyinka shacabka si looga fogaado xaalad bani’aadannimo oo sii xumaata.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *