Dowladda Soomaaliya oo dacwo ka ah Siyaasiyiinta mucaaradka ee Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay uga digtay waxa ay ku tilmaamtay “abaabul siyaasadeed oo rabshado wata” oo ay sheegtay inay qorsheynayaan siyaasiyiinta mucaaradka, xilli magaalada Muqdisho ay ka jirto xiisad siyaasadeed oo sii kordheysa.
War-saxaafadeedka oo kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa lagu sheegay in dowladda ay ixtiraamayso xuquuqda dastuuriga ah ee muwaadiniinta ee bannaanbax nabadeed, xorriyadda hadalka iyo ka qeybgalka siyaasadda, balse aysan aqbali doonin dibadbaxyo lagu carqaladeynayo amniga iyo nolasha caasimadda.
Dowladdu waxay sheegtay in bannaanbax nabadeed uu yahay “xuquuq dimuqraadi ah oo sharci ah”, isla markaana aysan wax diidmo ah ka qabin in shacabka ay si nabad ah u muujiyaan aragtidooda. Si kastaba, dowladda ayaa ku eedeysay mucaaradka inay qorsheynayaan bannaanbaxyo lagu qabanayo 22 goobood oo kala duwan oo Muqdisho ah, taas oo ay ku tilmaamtay qorshe lagu kala qeybinayo magaalada laguna curyaaminayo adeegyada caasimadda.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dowladda ay u asteeysay Garoonka Kubadda Cagta ee Injineer Yariisow goob rasmi ah oo lagu qaban karo bannaanbax nabadeed si loo ilaaliyo amniga iyo isku socodka magaalada.
“Halkii laga qaban lahaa goobta loo asteeyay, abaabulayaasha siyaasadeed waxay ku dhawaaqeen 22 goobood oo bannaanbaxyo laga dhigayo oo ku yaalla Muqdisho, arrintaas oo u muuqata mid lagu carqaladeynayo amniga iyo nidaamka caasimadda,” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda.
Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale sheegtay inay hayso warbixino amni oo muujinaya in “xubno hubeysan oo lala xiriirinayo ama taageersan mucaaradka” lagu arkay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho, gaar ahaan deegaanno ay dad rayid ahi ku badan yihiin.
“Warbixinnada amniga ayaa tilmaamaya in xubno hubeysan oo lala xiriirinayo ama taageersan mucaaradka lagu arkay meelo kala duwan oo magaalada ah, oo ay ku jiraan deegaanno dad rayid ahi ku badan yihiin, taas oo kordhinaysa halista shacabka aan waxba galabsan ay wajahaan iyo in goobaha rayidka loo adeegsado sidii meelo qabiil loogu daboolo abaabul siyaasadeed,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Dowladdu waxay sheegtay in qorshaha mucaaradka ee dibadbaxyada soconaya shan maalmood oo xiriir ah ay halis ku yihiin kala dambeynta, adeegyada muhiimka ah iyo amniga shacabka Muqdisho.
Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xusay hadallo dowladda ay ku tilmaamtay kuwo “hurin kara iska hor imaad”, kuwaas oo ay sheegeen inay kasoo yeereen qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka.
Dowladdu waxay si gaar ah u xustay hadal loo nisbeeyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, kaas oo ay sheegtay inuu ka hadlay “dagaal soo socda”, iyadoo dowladda ay arrintaasi ku tilmaamtay hadal aan waafaqsaneyn bannaanbax nabadeed iyo dimuqraadiyad.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada ammaanka la faray inay si xirfad iyo sharci waafaqsan ula tacaalaan xaaladda, iyagoo kala saaraya shacabka nabadda wata iyo cid kasta oo isku dayda inay rabshad huriso, hub qaadato ama xannibto waddooyinka muhiimka ah.
Sidoo kale dowladda ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada siyaasadda inay dejiyaan hadallada xanafta leh, kana fogaadaan abaabul hubeysan iyo tallaabo kasta oo horseedi karta isku dhac.
Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay weli ka go’an tahay ilaalinta nidaamka dimuqraadiyadeed, amniga shacabka iyo xasilloonida magaalada Muqdisho, iyadoo ugu baaqday bulshada rayidka, odayaasha dhaqanka iyo beesha caalamka inay taageeraan nabadda, wada hadalka iyo ilaalinta dastuurka dalka.










