LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Qoysas Lagu Qasbay Inay Guryahooda Ka Baxaan, Dowladda Oo Wajahaysa Caro Hor Leh

Waxaa isa soo taraya cabashooyinka ka imanaya shacabka ku nool xaafadda Godey ee degmada Kaaraan, magaalada Muqdisho, kadib markii qoysas badan ay bilaabeen inay ka guuraan guryahooda iyagoo sheegay in lagu amray inay baneeyaan dhulka ay deggenaayeen.

Sida ay sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka, waxaa loo sheegay in guryaha laga iibiyey ganacsato gaar loo leeyahay, islamarkaana qofkii doonaya inuu sii joogo laga doonayo inuu bixiyo lacag lagu sheegay $16,000.

Dhacdadan ayaa dib u soo nooleysay walaaca la xiriira barakicinta qasabka ah ee ka dhacda qaybo kamid ah Muqdisho, halkaas oo shacabka ay muddooyinkii dambe soo jeedinayeen eedeymo ku saabsan in dhulalka ay deggan yihiin lagu wareejiyo ganacsato iyo maalgashadayaal.

Qaar kamid ah dadka ay arrintan saameysay ayaa ku andacoonaya in dhulalka loo qoondeynayo ganacsato la sheegay inay xiriir dhow la leeyihiin mas’uuliyiin sare oo dowladda ka tirsan, inkastoo aanay weli jirin caddeyn madax-bannaan ama war rasmi ah oo dowladda ka soo baxay oo xaqiijinaya eedeymahaas.

Qoysaska laga rarayo ayaa sheegay inay wajahayaan xaalad adag, maadaama aysan helin sharaxaad rasmi ah oo ku saabsan sababta looga saarayo guryahooda, isla markaana aan loo soo bandhigin meel kale oo ay degaan.

Dhanka dowladda Federaalka ama maamulka gobolka Banaadir weli kama aysan soo bixin wax war rasmi ah oo ku saabsan eedeymaha iyo cabashooyinka kasoo baxaya dadka deegaanka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *