LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Maamulka Waqooyi Bari oo Bilaabaya Maxkamadeynta Maxaabiistii Laga Qabtay Somaliland

Maamulka Waqooyi Bari ayaa amar ku bixiyay in maxkamad la soo taago maxaabiis lagu qabtay dagaalladii ka dhacay magaalada Laascaanood, kuwaas oo la sheegay inay ka tirsanaayeen ciidamada Somaliland. Maxaabiista ayaa la sheegay inay ku jiraan saraakiil sare iyo taliyeyaal ciidan oo lagu qabtay intii uu socday dagaalka.

Go’aankan ayaa kasoo baxay fadhi ay yeesheen hay’adaha maamulka, waxaana lagu amray in maxaabiista loo gudbiyo hay’adaha garsoorka si loo qaado dacwadahooda, iyadoo maamulka uu sheegay in habraaca maxkamadeynta loo fulin doono si waafaqsan sharciga.

Mas’uuliyiinta maamulka ayaa sheegay in tallaabadan ay qeyb ka tahay la xisaabtanka dadka lagu qabtay dagaallada, halka aan weli la shaacin waqtiga rasmiga ah ee ay maxkamaddu bilaaban doonto iyo tirada guud ee maxaabiista la horgeyn doono.

Maxaabiistaan ayaa muddo dheer ku jira xabsi iyadoo aysan jirin wax maxkamadeyn ah oo lagu sameeyay mudadaas.

Dhanka kale, maamulka Somaliland ayaan weli si rasmi ah uga hadlin go’aanka lagu maxkamadeynayo askarta iyo saraakiisha lagu qabtay dagaalladii Laascaanood.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *