Xog: Dowladda Soomaaliya oo Jawaab Kulul Ka Bixisay Dhacdadii Nairobi, Safiirka Kenya oo Loo Yeeray

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u yeertay Safiirka Kenya u fadhiya Soomaaliya, iyadoo lagu wado inuu Isniinta hortago Wasaaradda Arrimaha Dibadda si looga wada hadlo wararka sheegaya in dhowr wasiir oo ka tirsan Dowladda Federaalka laga hor istaagay inay galaan magaalada Nairobi.
Sida ay xaqiijiyeen ilo rasmi ah, kulanka ayaa diiradda lagu saari doonaa dhacdada la sheegay inay ka dhacday Garoonka Caalamiga ah ee Jomo Kenyatta, halkaas oo xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Soomaaliya lagu soo warramay in loo diiday inay gudaha u galaan Kenya.
Ilo ku dhow Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sidoo kale xaqiijiyay in dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah ugu yeertay safiirka Kenya ee Muqdisho, iyadoo la filayo inay ka dalbato sharaxaad rasmi ah oo ku saabsan dhacdadaas iyo sababihii ka dambeeyay.
Dhacdadan ayaa imanaysa xilli xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya uu wajahayo marxalad xasaasi ah, waxaana la filayaa in natiijada wada-hadallada Isniinta ay saameyn ku yeelan karto xiriirka labada dal.









