DHACDO NAXDIN LEH:- Wiil Aabihiis ku dilay Magalada Boosaaso

Waxaa saaka magaalada Boosaaso ka dhacday dhacdo naxdin iyo murugo leh, kadib markii marxuum Yuusuf Bootaan Ciise lagu dilay xaafadda Masjid Aqsa, sida ay sheegayaan wararka hordhaca ah ee laga helayo deegaanka.
Wararka ayaa tilmaamaya in dilka loo adeegsaday tooreey, isla markaana falkaasi lagu eedeeyay wiilka marxuumka oo lagu magacaabo Maxamed Yuusuf Bootaan. Sida ay dadka deegaanka qaarkood sheegeen, dhacdadu waxay dhacday xilli hore oo saaka ah, kadib salaaddii Subax.
Goobjoogayaal iyo ilo deegaanka ah ayaa sheegay in marxuumka oo mar Xildhibaan kasoo noqday Puntland dhaawacyo culus loo geystay, kuwaasi oo sababay geeridiisa. Ciidamada ammaanka ayaa la sheegay inay si degdeg ah goobta u gaareen, isla markaana gacanta ku dhigeen wiilka lagu eedeeyay falka dilka ah.
Wararka soo baxaya qaarkood ayaa sidoo kale sheegaya in Maxamed Yuusuf Bootaan uu la tacaalayay xaalad la xiriirta caafimaadka dhimirka, inkastoo aan weli jirin war rasmi ah oo ay arrintaasi kasoo saareen hay’adaha caafimaadka ama maamulka amniga.
Dhacdadan ayaa si weyn looga hadal hayaa gudaha magaalada Boosaaso, iyadoo dadka deegaanka ay muujinayaan murugo iyo fajac ka dhalatay sida ay wax u dhaceen.
Laamaha ammaanka ayaan weli si rasmi ah uga hadlin faah-faahinta dhacdada, hase yeeshee waxaa socda baaritaanno la xiriira sababta iyo sida uu dilku u dhacay.









