Gabar lagu dilay Magaalada Boosaaso & xog laga helay

Waxaa habeenimadii xalay magaalada Boosaaso lagu dilay gabar dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Saabiriin Liibaan, iyadoo dilkeeda uu argagax iyo hadal-heyn ku abuuray bulshada ku dhaqan magaalada.
Wararka hordhaca ah ee laga helayo dhacdada ayaa sheegaya in marxuumadda lagu toogtay rasaas, xilli ay saarnayd gaari nooca raaxada ah oo marayay halka ay iska galaan jidka sodonka galbeed iyo waddada gasha garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso.
Goobjoogayaal ku sugnaa deegaanka uu falka ka dhacay ayaa sheegay in rasaas xooggan la maqlay daqiiqado kooban kahor inta aan goobta laga dareemin jahwareer iyo isku soo bax dadweyne. Waxaa la sheegay in gabadha dhaawac culus soo gaaray, balse ay goobta ku geeriyootay kahor inta aan loo qaadin xarun caafimaad.
Laamaha ammaanka ee magaalada Boosaaso ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, iyagoo sameeyay howlgallo iyo baaritaanno la xiriira dhacdada. Illaa iyo hadda si rasmi ah looma shaacin cidda ka dambeysay dilka Saabiriin Liibaan, mana jirto koox ama shaqsi sheegatay mas’uuliyadda weerarka.
Dilka Saabiriin Liibaan ayaa si weyn looga hadal hayaa gudaha magaalada, iyadoo shacabka ay muujinayaan walaac ku aaddan amniga magaalada iyo dilalka soo noqnoqday ee lagu beegsanayo dhalinyarada.
Marxuumadda Saabiriin ayaa la sheegay inay ka mid ahayd dhalinyarada si weyn looga yaqaanay magaalada Boosaaso, waxaana geerideeda ka tacsiyeeyay qeybaha kala duwan ee bulshada.
Dhacdadan ayaa sidoo kale noqonaysa gabadhii labaad ee sanadkan gudihiisa lagu dilo magaalada Boosaaso, taas oo sare u qaaday walaaca laga qabo amniga guud ee xarunta gobolka Bari.
Maamulka gobolka Bari iyo saraakiisha ammaanka ayaan weli soo saarin war rasmi ah oo faahfaahsan oo ku saabsan dilkan, hase yeeshee waxaa socda baaritaanno lagu ogaanayo cidda ka dambeysay falkaasi.









