LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Madaxweynaha Jabuuti oo waan waan ka dhex-billaabay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Qoor Qoor

Warar ay uu Banaadir24 oo laga soo xigtay ilo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan Villa Somalia ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu xalay khadka taleefanka ku wada-hadal siiyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, iyadoo diiradda lagu saaray xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay magacaabista Taliyaha Booliska Galmudug iyo muranka doorashooyinka.

Sida ay sheegayaan xogaha la helayo, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku dooday in magacaabista Taliyeyaasha Booliska ay tahay awood dastuuri ah oo u taalla Dowladda Federaalka Soomaaliya, isaga oo tallaabadii uu qaaday Madaxweynaha Galmudug ku tilmaamay mid sii hurin karta khilaafka siyaasadeed ee labada dhinac.

Dhankiisa, Madaxweyne Qoorqoor ayaa Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu hurinayo xiisad siyaasadeed isla markaana uu sameeyay isbeddello lagu wiiqayo awoodda maamulka Galmudug, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo maamulka ciidamada.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in dood dheer kadib lagu heshiiyay in la dejiyo xiisadda taagan, isla markaana Taliyeyaasha ay Dowladda Federaalka magacaawday ay sii gutaan waajibaadkooda, balse aan la sameyn doonin isbeddello horleh oo sii kicin kara muranka labada dhinac.

Sidoo kale, wada-hadallada ayaa taabtay arrimaha doorashooyinka iyo khilaafka la xiriira xisbiga JSP. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu warramayaa inuu sheegay in wali aan la bixin kaarka musharraxnimo ee xisbiga JSP ee Galmudug, balse haddii Madaxweyne Qoorqoor uusan helin taageerada xisbigaas uu xaq u leeyahay inuu ka tartamo xisbi kale. Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ku adkeystay in xisbiga JSP uu xor u yahay cidda uu u xulanayo musharraxiintiisa.

Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa beeniyay wararka sheegaya in Dowladda Federaalka ay qorsheyneyso in Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug loo magacaabo sii hayaha xilka madaxtinimada Galmudug. Hase yeeshee, wuxuu digniin u diray maamulka Galmudug, isagoo sheegay in haddii la doorto waddo dagaal siyaasadeed ah ay Dowladda Federaalka qaadi doonto tallaabooyin adag.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *