Qarax Askar lagu dilay oo ka dhacay Xadka Soomaaliya & Kenya

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xooggan oo maanta ka dhacay duleedka magaalada Dhadhaab, kaas oo lala beegsaday gaari nooca Kooyal ah oo ay la socdeen askar ka tirsan ciidamada ammaanka Kenya.
Sida ay sheegayaan xogaha hordhaca ah ee laga helayo goobta, qaraxa ayaa haleelay gaari ciidamadaasi ay ku safrayeen xilli ay marayeen waddo ku taalla deegaanka u dhow xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Qaraxa kadib waxaa goobta ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur gaadiid.
Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in weerarkaasi ay mas’uuliyaddiisa sheegteen kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo marar badan weerarro ka geysta deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya iyo Kenya.
Wararka la helayo waxay sheegayaan in ugu yaraan afar askari ay ku dhinteen qaraxa, kuwaas oo uu ku jiro hal sarkaal, halka 11 askari oo kale ay ku dhaawacmeen.
Dhaawacyada ciidamada ayaa la sheegay in loo qaaday xarumo caafimaad oo ku yaalla gobolka si loogu dabiibo.
Sidoo kale, gaarigii Kooyalka ahaa ee ay la socdeen ciidamada ayaa gebi ahaanba ku gubtay goobta qaraxa kadib, iyadoo sawirro iyo warar laga helayo deegaanka ay muujinayaan burbur xooggan oo gaaray gaariga.
Ciidamada ammaanka Kenya ayaa la sheegay inay gaareen goobta qaraxa wax yar kadib, halkaas oo ay ka bilaabeen howlgallo baaritaan iyo amni xaqiijin ah. Ilaa iyo hadda dowladda Kenya si rasmi ah ugama aysan soo saarin war-saxaafadeed faahfaahsan oo ku saabsan weerarka iyo khasaaraha ka dhashay.









