LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Agaasimaha NISA oo si cad uga horymid siyaasadda Xasan Sheekh

Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad ayaa markii ugu horreysay ka horyimid siyaasadda  Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare, Faarax Sheekh Cabdiqaadir Maxamed ee ku wajahayaan arrimaha gudaha ee Galmudug.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Mahad Salaad uu gelinkii dambe ee Talaadadii uu wada hadal la yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kulan uu goobjoog ka ahaa Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre, isla-markaana uu u sheegay inaanu la dhacsaneyn in Liibaan Axmed Xasan laga dhigo musharaxa Ururka JSP uga qaybgelaya doorashada madaxtinimada Galmudug.

Golaha Fulinta ee Urur Siyaasadeedka Caddaaladda & Wadajirka (JSP) ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu hoggaamiyo ayaa Sabtidii go’aamiyay in Liibaan Axmed Xasan uu noqdo musharaxa JSP ku meteli doona doorashada 9-ka bisha July laga qabanayo Galmudug, iyadoona uu ujeedkoodu ahaa in musharaxnimadiisa lagaga dhawaaqo Dhuusamareeb ama Muqdisho.

Kala aragti duwanaanshaha madaxda dhexdooda ayaa dib u dhigeysa ku dhawaaqista musharaxnimada Liibaan Axmed Xasan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *