Dowladda Soomaaliya oo gacanta ku dhigay Horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab

Iyadoo Maanta loo dabaal Dagaayo Maalinta kowaad ee Ciidal Adxaa, ayaa Ciidanka Kumaandooska Danab, si gaar ah Ururka 163-aad ee Guutada 16-aad, waxay howlgal ballaaran oo amni xaqiijin ah ka fuliyeen magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.
Howlgalkan oo ujeedkiisu ahaa sugidda nabadgelyada guud ee gobolka, ayaa intii uu socday lagu soo qabqabtay 6 nin oo lagu eedeeyey inay xiriir la leeyihiin kooxda khawaarijta ah.
Howlgalka waxaa horkacayay Taliyaha Taliska Gaalkacyo, Xiddigle Cabaas Cabdiraxmaan Maxamed.
Waxaa howlgalka qayb weyn ka ahaa maamulka Degmada Gaalkacyo oo gacan ka geystay isku-duwista amniga.
Ciidanka ayaa baaritaanno amni oo qorsheysan ka sameeyey xaafadaha Hormar iyo Wadajir ee magaalada Gaalkacyo.
”Waxaan ka codsanaynaa shacabka magaalada Gaalkacyo inay si dhow oo wada-jir ah ula shaqeeyaan ciidanka
Howlgalkan ayaa qayb ka ah qorshayaasha ay laamaha amnigu ku xaqiijinayaan in dadweynuhu ay ku ciidaan jawi nabdoon oo xasiloon.









