LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Qaramada Midoobay oo war kulul kasoo saartay weerarkii Dowladda ku qaaday Kheyre iyo Shariif

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa walaac xooggan ka muujiyay wararka ku saabsan rabshadaha ka dhacay Muqdisho, isagoo ku baaqay in si degdeg ah loo bilaabo wadahadallo lagu xallinayo khilaafka jira, si looga hortago in dib loo celiyo horumarkii siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya laga gaaray.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dhammaan dhinacyadu muujiyaan is-xakameyn buuxda, isla markaana ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo hurin karta rabshado dheeraad ah. Sidoo kale wuxuu ku boorriyay in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal iyo is-afgarad.

Hawlgalka KMG ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) ayaa dhankiisa sheegay in ay horey uga digeen halista ay leedahay in dib loogu noqdo xiisadihii siyaasadeed ee 2021 ee la xiriiray habraaca doorashooyinka, digniintaas oo aan si buuxda loo tixgelin.

Qaramada midoobay ayaa ugu baaqday hoggaamiyeyaasha Soomaaliya in ay mudnaanta siiyaan danta qaranka, isla markaana ay dib u bilaabaan wadahadalladii hakaday 15-kii May, iyadoo beesha caalamku ay diyaar u tahay inay fududeyso wada-hadalladaas si xal waara loo gaaro.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *