LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Madaxweyne hore Sheekh Shariif oo dib ugu laabanaya gurigiisa

Madaxweyne hore Sharif Sheikh Ahmed ayaa maanta dib ugu laabanaya gurigiisa oo ku yaalla agagaarka Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, kadib maalmo uu ku sugnaa waqooyiga caasimadda halkaas oo ay ka dhaceen iska horimaadyo hubeysan.

Dadaallo xooggan oo nabadeed oo ay wadeen odayaal dhaqameed, diblomaasiyiin ka socday safaarado reer Galbeed ah, iyo siyaasiyiin ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa lagu guuleystay in lagu qanciyo inuu dib ugu laabto deegaankiisii hore.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa weli ku adkeysaneysa in hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Cali Kheyre ay ku laabtaan aagga ammaanka ee Xalane, si looga fogaado khataro amni iyo iska horimaadyo cusub.

Xaaladda Muqdisho ayaa weli kacsan, iyadoo laga digayo in xiisadaha siyaasadeed ay sii saameyn karaan amniga iyo xasilloonida caasimadda Muqdisho oo muddooyinkii u dambeeyay ahayd mid kamid ah caasimadaha ugu amniga wanaagsan caalamka.

Ciidamada Xasan Cali Kheyre iyo Shariif ayaa si adag iskaga caabiyay dullaankii cuslaa ee kaga timid dowladda federaalka Soomaaliya oo isticmaashay hub nooc kasta ah iyadoo ciidamada Sheekh Shariif ay gubeen qaar kamida gawaarida gaashaaman ee Turkigu siiyay dowladda federaalka Soomaaliya.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *