Faah faahin kasoo baxeysa dagaal xoogan oo dhexmaray Ciidamada Dowladda & Al-Shabaab

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay, kaas oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maleeshiyada Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa la sheegay inuu billowday kadib markii Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen xero ay ciidamada dowladda ku leeyihiin deegaanka lagu magacaabo Ceel-Mashruuc, oo hoostaga degmada Qansax-dheere. Weerarka ayaa yimid xilli ay halkaasi ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan xoogga dalka, kuwaas oo la sheegay inay si degdeg ah uga falceliyeen.
Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa warbaahinta u sheegay in ay si buuxda isaga difaaceen weerarka, islamarkaana ay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac gaarsiiyeen maleeshiyada weerarka soo qaaday. Inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin tirada khasaaraha, haddana ilo deegaanka ah ayaa sheegaya in dagaalka uu ahaa mid xooggan oo socday muddo saacado ah.
Xaaladda degmada Qansax-dheere ayaa la soo wariyay inay haatan deggan tahay, iyadoo ciidamada dowladda ay weli si buuxda gacanta ugu hayaan degmada iyo fariisimihii lagu dagaallamay. Dhaqdhaqaaqyada ciidamada ayaa la sheegay inay sii socdaan, si looga hortago weerarro kale oo kaga yimaada dhinaca Al-Shabaab.
Dhanka kale, weli si rasmi ah ugama hadlin dagaalka ka dhacay Qansax-dheere laamaha amniga iyo maamulka degmada, mana jirto war cad oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aaddan weerarka iyo khasaaraha ka dhashay.









