LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Wararkii Ugu Dambeeyay Qarax Lagu Dilay Taliyihii NISA Ee Feer Feer

Taliyihii Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ee degmada Feer Feer ee gobolka Hiiraan ayaa lagu dilay qarax loo maleynayo in ay ka dambeeyeen dagaalyahannada Al-Shabaab, sida ay sheegayaan wararka hordhaca ah.

Qaraxa ayaa ka dhacay deegaanka Xuday Wegle, oo wax yar u jira degmada Feer Feer, waxaana la sheegay in bartilmaameedku ahaa mas’uuliyiin iyo xubno ka tirsan ciidamada dowladda.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in taliyihii NISA ee Feer Feer uu ku dhintay qaraxa, halka dhowr qof oo kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo ay ka mid yihiin qaar ka tirsan maamulka deegaanka.

Ilaa hadda lama xaqiijin tirada rasmiga ah ee dadka ku dhintay ama ku dhaawacmay qaraxa, sidoo kalena lama hayo faahfaahin dhameystiran oo ku saabsan xaaladda dadka dhaawacmay.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xilli kooxda Al-Shabaab ay weli awood ku leedahay qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay howlgallo ka wadaan deegaanno ka tirsan gobolka.

NISA iyo maamulka gobolka Hiiraan ayaan weli si rasmi ah uga hadlin weerarka, waxaana la sugayaa faahfaahin dheeraad ah oo kasoo baxda dowladda iyo ilo rasmi ah.

Banaadir24 Online — Wararka Soomaaliya iyo Caalamka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *