Mid kamid ah Wariyeyaasha Muqdisho oo Nolol iyo Geeri lagu la’yahay

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in weli la la’yahay Wariyihii Telefeshinka Goobjoog Media Group Rowda Takile, kadib markii ay ka maqan tahay ehelkeeda iyo bahda warbaahinta tan iyo Maqribnimadii xalay.
Warar hordhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in Rowda ay xalay rag la sheegay inay ka tirsan yihiin laamaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ka kaxeysteen agagaarka KM4 ee magaalada Muqdisho, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin halka hadda lagu hayo iyo sababta loo xiray.
Ehelada wariyadda oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay aad uga walaacsan yihiin xaaladdeeda, maadaama aysan jirin wax xog ah oo laga helay tan iyo markii la kaxeystay. Qaar kamid ah qoyska Rowda ayaa tilmaamay inaysan tuhunsaneyn in ay ku lug leeyihiin arrimo amni oo culus, iyagoo ku sifeeyay wariye “Qunyar-socod ah” oo si xirfad leh uga shaqeyn jirtay mihnadda saxaafadda.
Sidoo kale, xubno kamid ah bahda warbaahinta Soomaaliyeed ayaa bilaabay inay baraha bulshada ku baahiyaan farriimo lagu dalbanayo in si deg deg ah loo caddeeyo xaaladda Rowda Takile, islamarkaana loo oggolaado inay hesho xorriyaddeeda haddii aysan jirin dacwad sharci ah oo loo heysto.
Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay hay’adaha ammaanka dowladda oo ku saabsan xarigga la sheegay ee wariyadda ama eedeymaha loo haysto.









