Puntland oo u hanjabtay Maraakiibta iyo Doomaha sida sharci darrada ah u kalluumeysta

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqday tallaabooyin lagula dagaallamayo kalluumeysiga sharci-darrada ah, aan la diiwaangelin ee ka socda biyaha Puntland.
Wasaaraddu waxay sheegtay in ilaalinta kheyraadka badda ay muhiim u tahay badbaadinta nolosha bulshada ku nool xeebaha, sugidda amniga cuntada, iyo sii jiritaanka dhaqaalaha buluugga ah ee Puntland mustaqbalka fog.
Sidoo kale, Wasaaraddu waxay caddeysay in cid kasta oo lagu helo inay ku xadgudubto sharciyada kalluumeysiga Puntland ha ahaato markab, shirkad ama shaqsi lala tiigsan doono tallaabooyin sharci iyo maamul. Tallaabooyinkaas waxaa ka mid noqon kara qabashada maraakiibta, joojinta ama kala noqoshada rukhsadaha, ganaaxyo lacageed, iyo la wareegidda qalabka ama kalluunka sharci-darrada ah.
Hoggaanka cusub ee Wasaaradda ayaa xusay inay si buuxda uga go’an tahay in la qaado siyaasad ka dhan ah falalka wax u dhimaya kheyraadka badda, deegaanka, iyo xuquuqda kalluumeysatada maxalliga ah. Waxaa kale oo ay sheegtay inay si dhow ula shaqeynayso hay’adaha dowladda iyo kuwa amniga si loo xoojiyo kormeerka iyo isla xisaabtanka.
Dhanka kale, Puntland waxay sheegtay inay weli u furan tahay maalgashadayaasha sharciga ku shaqeeya, iyadoo dhiirrigelinaysa maalgashi mas’uuliyad leh oo ku saabsan kalluumeysiga waara, beeraha badda, kaydinta qabow iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha badda.
Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in maalgashadayaasha u hoggaansama sharciga, isla markaana ixtiraama bulshada deegaanka ay heli doonaan jawi deggan oo taageero leh, taasoo kor u qaadi doonta shaqo abuurka iyo kobaca dhaqaalaha.
Ugu dambeyn, Puntland waxay ku baaqday in dhammaan daneeyayaasha kuwa Gudaha ah, qaran iyo kuwa caalamiga ah ay ka qeyb qaataan horumarinta waaxda kalluumeysiga si ay u noqoto mid sharciyeysan, waarta, loo wada dhan yahay, isla markaana dhaqaale ahaan wax soo saar leh.










