LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dowladda Federaalka oo ciidamo dheeraad ah geysay Magaalada Baydhabo

Dhaqdhaqaaq ciidan oo sii kordhaya ayaa laga dareemayaa magaalada Baydhabo, taasoo cabsi xooggan gelisay shacabka ku nool halkaasi, iyagoo ka welwelsan suurtagalnimada in uu qarxo dagaal hubeysan. Wararka laga helayo ilo deegaanka ah ayaa sheegaya in ciidamo dheeraad ah la geeyay qaybo kamid ah magaalada, iyadoo dhaq-dhaqaaqyo milatari oo aan caadi ahayn si weyn looga dareemayo gudaha iyo duleedyada Baydhabo.

Sidoo kale, waxaa la xaqiijinayaa in dowladda federaalka Soomaaliya ay xalay ciidamo cusub ka dejisay magaalada Baydhabo, kuwaas oo la sheegay in lagu xoojinayo ammaanka guud, hase yeeshee tallaabadan ayaa sii kordhisay xiisadda iyo feejignaanta ka jirta magaalada.

Dhanka kale, warar soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamo daacad u ah madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen, ay gaareen degmada Bardaale, halkaas oo ay ka wadaan abaabul ciidan. Ilo xog ogaal ah ayaa Banaadir24, u sheegay in ciidamadaasi ay si cad u muujiyeen ujeeddooyin la xiriira qabsashada magaalada Baydhabo, taasoo sare u qaaday cabsida laga qabo iska hor imaad toos ah.

Guud ahaan, xaaladda Baydhabo ayaa u muuqata mid aad u kacsan, iyadoo dhaq-dhaqaaqyada is barbar socda ee dhinacyada kala duwan ay sare u qaadayaan halista dagaal ka dhaca magaalada iyo nawaaxigeeda.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *