DUNIDALATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Soomaaliya oo Taageertay Dalalka Carabta, Kana Hadashay Weerarrada Iiraan

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Maxamed Cali, ayaa Talaadadii ka qeyb galay shir degdeg ah oo heer wasiir ah oo ay yeesheen Jaamacadda Carabta, kaas oo lagu qabtay hab muuqaal fogaan ah (videoconference).

Shirka ayaa diiradda lagu saaray qaraar ay soo gudbisay Boqortooyada Baxreyn, kaas oo ku saabsan weerarrada ay Iiraan ku qaaday dalal Carbeed iyo waajibaadka ka saaran ilaalinta sharciga caalamiga ah.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa muujisay taageero buuxda oo ay la garab taagan tahay dalalka Carabta ee wajahaya weerarradan, iyadoo si adag u cambaareysay tallaabooyinka Iiraan.

Sidoo kale, Soomaaliya waxay dib u xaqiijisay sida ay uga go’an tahay ilaalinta sharciga caalamiga ah, sugidda marinnada ganacsiga badda ee caalamiga ah, iyo taageeridda dadaallada wadajirka ah ee lagu xoojinayo xasilloonida gobolka.

Ugu dambeyn, Soomaaliya ayaa carrabka ku adkaysay in midnimada Carabta ay tahay arrin istiraatiiji ah oo lama huraan ah, iyadoo ku baaqday in la qaato mowqif mideysan oo lagu difaacayo amniga dalalka Carabta laguna ilaalinayo nidaamka caalamiga ah ee ku dhisan qawaaniinta.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *