LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Duqeyn lagu xasuuqay Horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab oo dhacday & wararkii ugu dambeeyay

Wararka naga soo gaaraya degaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe halkaasi ay ka dhaceen duqeymo xooggan oo lala beegsaday saraakiil iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Duqeymaha oo la sheegay inay dhowr jeer dhaceen ayaa midkii ugu horreeyay lagu beegsaday goob ay ku shirayeen saraakiil ka tirsan Al-Shabaab. Duqeyn kale oo xigtay ayaa la tilmaamay in lagu bartilmaameedsaday xubno iyo saraakiil ka badbaaday weerarkii hore.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ee Soomaaliya ayaa sheegay in duqeymahaasi lagu dilay tiro ka mid ah saraakiil iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa degaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan. Wararka la helayo ayaa sidoo kale tilmaamaya in duqeymahaasi ay dhaawacyo kasoo gaareen haweeney iyo carruur ay dhashay oo goobta ka ag dhowaa.

Duqeyntan ayaa la sheegay in ay iska kaashadeen Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah, inkastoo aan weli la bixin faahfaahin rasmi ah oo dheeraad ah.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *