Puntland oo ku dhawaaqday in lasoo afjaray howlgalkii ka dhacay deegaanka Laag

Ciidamada Ammaanka Puntland ayaa maanta hawlgal amni oo qorsheysan ka fuliyay deegaanka Laag ee gobolka Bari, iyagoo sheegay inay soo afjareen dhaqdhaqaaqyo ay ku tilmaameen kuwo halis ku ahaa amniga iyo xasilloonida deegaannada Puntland.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed rasmi ah oo ay soo saareen ciidamada, hawlgalku wuxuu bartilmaameedsaday koox hubeysan oo maamulka Puntland ku eedeeyay inay muddooyinkii u dambeeyay ku lug lahayd falal lagu carqaladeynayay amniga, nabadda iyo kala dambeynta deegaannada Puntland.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in intii uu socday hawlgalku ay ciidamada gacanta ku dhigeen gaadiid ciidan, hub noocyo kala duwan leh iyo tiro maxaabiis ah, iyadoo aan la shaacin tirada rasmiga ah ee dadka la qabtay ama noocyada hubka la soo qabtay.
Ciidamada Ammaanka Puntland waxay sidoo kale sheegeen in hawlgallo daba-gal ah ay weli ka socdaan aaggaasi, kuwaas oo lagu baadi-goobayo xubnaha ka baxsaday goobta hawlgalka, si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida deegaanka.
Ugu dambeyn, Ciidamada Ammaanka Puntland ayaa sheegay inay sii wadi doonaan hawlgallada ay ku ilaalinayaan amniga, xasilloonida iyo nabadda Puntland, iyagoo shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga si loo adkeeyo nabadgelyada.









