44 Burcad-badeed Soomaali ah oo Lagu Riday Xukunkii Ugu Adkaa

Maxkamad gaar ah oo ku taalla magaalada Mumbai ee dalka Hindiya ayaa xukun xabsi daa’in ah ku ridday 44 burcad-badeed Soomaali ah, kuwaas oo lagu helay dambiyada la xiriira afduubkii laba markab sanadkii 2024.
Maxkamaddu waxay sheegtay in eedeysanayaashu ay si iskood ah u qirteen dambiyada loo haystay, kaddib markii la siiyay waqti ay dib ugu eegaan go’aankooda. Garsooraha gaarka ah S.B. Dige ayaa aqbalay qiraalkooda, isagoo sheegay inuu ku qancay in uusan jirin wax qasab ama cadaadis lagu saaray.
Kiiska ugu weyn wuxuu la xiriiray markabka xamuulka qaada ee MV Ruen, kaas oo burcad-badeeddu afduubteen, islamarkaana shaqaalihiisa muddo ka badan saddex bilood ay haysteen. Intii lagu guda jiray afduubka, burcaddu waxay dalbatay $60 milyan oo madax-furasho ah si markabka iyo shaqaalihiisa loo sii daayo.
Howlgal ay ciidamada badda Hindiya fuliyeen bishii Maarso 2024 ayaa lagu soo furtay markabka, waxaana la badbaadiyay dhammaan shaqaalihii saarnaa iyadoo la qabtay 35 burcad-badeed.
Sagaalka kale ayaa lagu qabtay howlgal kale oo lagu soo furtay doonta kalluumeysiga ee Al-Kambar, halkaas oo sidoo kale lagu badbaadiyay shaqaalihii saarnaa.
Maxkamaddu waxay sheegtay in burcaddu ay ku hubeysnaayeen qoryaha AK-47, bam-gacmeedyo iyo hub kale oo culus, isla markaana ay khatar weyn geliyeen nolosha shaqaalaha maraakiibta, taas oo sababtay in lagu xukumo xabsi daa’in.









