Puntland oo kasoo horjeesatay War kasoo baxay Dowladda Soomaaliya

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa si rasmi ah uga hortimid digniin cimilo oo ay soo saartay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliya (SODMA), taas oo ka digaysay duufaanno iyo roobab culus oo la sheegay inay saameyn karaan qaybo kamid ah xeebaha Puntland, gaar ahaan gobollada Nugaal iyo Karkaar inta u dhaxaysa 12-ka ilaa 17-ka May 2026.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Puntland ayaa lagu sheegay in xogta ay baahisay SODMA aysan ku salaysnayn qiimeyn rasmi ah oo lala wadaagay hay’adaha Puntland, isla markaana aysan jirin xog la hubo oo muujinaysa khatar degdeg ah oo ku wajahan xeebaha Puntland.
Wasaaraddu waxay sheegtay in aysan jirin wada-tashi ama is-weydaarsi rasmi ah oo dhexmaray hay’adaha heer federaal iyo kuwa Puntland kahor inta aan digniinta la shaacin, taas oo ay ku tilmaamtay arrin dhalin karta jahwareer bulsho iyo cabsi aan loo baahnayn.
Qoraalka kasoo baxay Puntland ayaa lagu adkeeyay in digniinta la faafiyay ay tahay “xog aan la hubin”, iyadoo shacabka loogu baaqay in aysan ku degdegin wararka aan kasoo bixin hay’adaha rasmiga ah ee Puntland.
“Waxaan shacabka reer Puntland ugu baaqeynaa inay xogaha la xiriira xaaladaha cimilada iyo khataraha dabiiciga ah ka qaataan oo keliya mareegaha rasmiga ah ee Wasaaradda iyo hay’adaha dowladda Puntland,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Sidoo kale, Puntland waxay sheegtay inay si dhow ula socoto xaaladaha cimilada, isla markaana ay diyaar u tahay inay shacabka la wadaagto xog kasta oo la hubo haddii ay jirto khatar dhab ah oo soo wajahda deegaanada xeebaha.
Digniinta ay SODMA soo saartay ayaa ka hadleysay suurtagalnimada roobab mahiigaan ah iyo dabeylo xooggan oo ka dhasha isbeddellada cimilada ee ka jira gobolka Geeska Afrika iyo Badweynta Hindiya. Hay’addu waxay shacabka ku nool xeebaha ku boorrisay inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah.
Si kastaba ha ahaatee, Puntland ayaa hadda sheegtay in saadaashaasi aysan marin habraacyadii wada-shaqeynta iyo xaqiijinta xogaha ee u dhexeeya hay’adaha dowladda.










