Guddiga xaquuqul Insaanka oo war ka duwan Go’aankii laga filaayay kasoo saaray Xariga Sacdiyo Bajaaj

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa walaac xooggan ka muujiyay xaaladda xarigga iyo nololeed ee Sacdiya Macallin Cali, oo muddo ku xiran Xabsiga Dhexe ee magaalada Muqdisho iyadoo aan wali si rasmi ah dacwad loogu soo oogin.
War-saxaafadeed uu guddigu soo saaray maanta ayaa lagu sheegay in xubno ka tirsan guddiga ay booqasho ku tageen Xabsiga Dhexe 29-kii Abriil 2026, si ay ugu kuurgalaan xaaladda Sacdiya iyo duruufaha ay ku nooshahay.
Guddiga ayaa sheegay in Sacdiya ay ka cabatay dhibaatooyin kala duwan oo ay kala kulmeyso gudaha xabsiga, kuwaas oo ay ka mid yihiin ciqaab, cabsi-gelin, cunto yari, nadaafad-xumo, ciriiri, iyo hawo yari. Waxa kale oo ay sheegtay in lagu sameeyay xaddidaad ku saabsan booqashooyinka qoyskeeda, taasoo sare u qaaday walaaca laga qabo xaaladdeeda bini’aadannimo.
Sida lagu xusay warbixinta guddiga, Sacdiya waxaa loo haystaa eedeymo la xiriira sumcad-dilid iyo kicin bulsho, hase yeeshee ilaa iyo hadda aan si rasmi ah dacwad loogu soo oogin, isla markaana aan la muddeynin dhageysiga dacwadeeda. Guddigu wuxuu arrintaasi ku tilmaamay mid lid ku ah xaqa qofka u leeyahay garsoor cadaalad ah iyo in kiiskiisa lagu dhageysto muddo macquul ah.
Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryam Qaasim, ayaa sheegtay in xarigga muddo dheer socdaa uu dhaawacayo xuquuqda aasaasiga ah ee qofka xiran.
“Qof kasta oo xiran wuxuu xaq u leeyahay karaamo, caafimaad, xiriir qoys iyo ilaalin sharci oo buuxda sida ay dhigayaan shuruucda dalka iyo kuwa caalamiga ah,” ayay tiri Guddoomiye Maryam Qaasim.
Guddiga ayaa ugu baaqay hay’adaha dowladda ee ay khuseyso in si degdeg ah loo hubiyo xaaladda Sacdiya, lana dhowro xuquuqdeeda aas-aasiga ah, iyadoo sidoo kale la dedejinayo hanaanka garsoorka si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka.
Ugu dambeyn, Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka ayaa sheegay inay sii wadi doonaan la socodka xaaladda Sacdiya Macallin Cali iyo guud ahaan xaaladaha maxaabiista ku xiran xabsiyada dalka.










